Kusaabsan RefugeeWork

Header background image
Wave mobileWave desktop

Waa maxay shaqada bogga RefugeeWork?

RefugeeWork waa bogga qaranka ee isu keena shaqaalaha iyo shaqa raadiyayaasha qaxootiga oo idil, raadinta shaqo kusaleysan xirfadaha. RefugeeWork waxay fududeysaa helitaanka fursadaha ama qofka ku habboon iyo daryeelida xariirka koobaad, habraacyada shirkada iyo isdabagalka kadib. Intaas waxaa dheer, RefugeeWork waxay ku dartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xeerarka, fursadaha maalgalinta iyo arimaha gaarka u ah in la tixgaliyo, oo luuqada qofka qaxootiga ah

RefugeeWork waa aasaas kamid VluchtelingenWerk holand iyo Start Foundation.

Sidee ayuu yahay amniga boggaan?

RefugeeWork waxaa loo qaabeeyey badbaadada isticmalayasha iyo xogtooda shaqsiyaded. Boggaan wuxuu waafaqsanyahay shuruucda guud ee xeerarka ka ilaalinta xogta (GDPR). Boggaan waxa kali uu ku waydiinayaa xogta shaqsiyadeed taasoo looga baahanyahay bogga in uu si sax ah ugu shaqeeyo iyo in lagu fududeeyo xariirka shaqadoonka iyo shaqaaleysiiyayaasha. Xogtaan oo dhameystiran waxaad ka heli kartaa Bayaankeena Asturnaanta Xogta.

Shaqaleysiyayaasha waxay ku qasbanyihiin in ay hubiyaan marka ay iska diwaangalinayaan RefugeeWork. Marka laga soo tago ilaaladan, waa masuuliyada isticmaalaha in uu ka warqabo marka uu la xariirayo shaqaaleysiiyaha. Marnaba cid hakula wadaagin xogtaada shaqsiyadeed sida lambarada sooshal sekuuratiga ama lambarka akoontiga, adigoo adeegsanayo xarunta fariimaha, tusaale ahaan.