Waddan kasta, codsashada shaqo waxay u shaqeysaa qaabab kala duwan. Gudaha Nederlaan, way fiican tahay in la muujiyo waxa aad ku fiican tahay iyo sida aad ugu haboontahay shaqadaan. Waa arin aan habbooneyn in la waydiiyo waxa aad heleyso bilawga waraysiga; waa in aad sidaan sameyso wareysiga kadib. Weydii shaqaaleysiiyaha su'aalo inta lagu guda jiro imtixaanka wareysiga si aad u muujiso inaad daneyneyso oo aad wax ka akhrisay shirkadda. Shaqooyinka qaarkood waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inaad sameyso tijaabo si caqliyeysan ah ama shakhsiyadda ah.
Inta adan codsan ka hor, wax ka ogaw booska bannaan:
Waa maxay shuruudaha oo ma buuxin kartaa?
Meqa saacadood iyo goorta aad u baahan tahay inaad diyaar noqoto oo tani miyay ku habboon tahay firaaqo ahaanshahaaga?
Waa maxay takhasuska shaqo iyo xirfadaha loo baahan yahay, oo tani miyay la mid tahay xirfadahaaga?
Ma jirtaa waxbarasho ugu yar oo loo baahan yahay? Xirfadaha qaarkood ee la ilaaliyo (sida dhakhtarka) waxbarashada ajaanibta mar walba kuma filna. Xirfadaha kale, waxbarasho ajaanibta oo la mid ah ayaa ku filnaan karta
Shaqada toddobaadka Waxaad kula heshineysaa shaqaleysiyahaaga waxa shaqadaada toddobaadkaay tahay. Shirkadaha qaar, maalmaha shaqada waa Isniin ilaa Jimco, lakiin xirfadlayaal gaar ah (sida, daryeelka ama caafimaadka) Sabtida iyo Axadda waxay sidoo kale noqon karaan maalmo shaqo. Shaqada toddobaadka oo dhameystiran waa 36 - 40 saacadood isbuuci, taas oo ku xiran qaybta. Shaqada toddobaadka kama badnaan karto in kabadan 60 saacadood isbuuci iyo in ka badan 5 isbuuc ma shaqayn kartid wax ka badan 55 saacadood toddobaadkii celcelis ahaan
Saacadaha shaqada Waxaad kula heshiineysaa shaqaaleysiyahaaga sacadaha aad shaqayneyso waxa ay yihiin. Sharci ahaan, shaqada halka gelin ah waxay gaari kartaa ilaa 12 saacadood. Sharciyo kala duwan ayaa khuseeya dadka ka yar 18 sano iyo haweenka uurka leh
Fasaxyada Markaad shaqaynayso in ka badan 5.5 saacadood, waxaad xaq u leedahay ugu yaraan 30 daqiiqo oo fasax ah (tani waxay sidoo kale noqon kartaa laba 15 daqiiqo). Markaad shaqeyneyso in ka badan 10 saacadood, waxaad xaq u leedahay ugu yaraan 45 daqiiqo oo fasax ah (tani waxay sidoo kale noqon kartaa dhowr fasax oo gaagaaban). Mararka qaar, CAO heshiisku wuxuu kuu oggolaanayaa inaad xaq u leedahay fasaxyo badan. Fasaxa waa in uusan ku bilaaban ama uusan ku dhammaan malinta shaqada.
Nasashada Kadib malinka shaqo, laguma ogolo in aad shaqeyso ugu yaraan 11 saacadood. Waqtiga nasashada ee ahaa 11 saacadood ayaa loosoo yareyn karaao 8 saacadood hal mar 7dii maalmoodba, laakiin waa hadii ay taasi lagama maarmaan u tahay shaqada. Sharci ahaan, waxaad xaq u leedahay 36 saacadood oo isku xigxiga oo nasasho ah waqti 7 maalmood ah. Waxay tani sidoo kale lagu ballaarin karaa 14 maalmood, taas oo ay tahay inaad ku nasato 72 saacadood oo aan ka badnayn 2 maalmood. Haddii xirfadaada shaqada ay leedahay CAO, shuruuc kale ayaa ku khuseyn kara.
Waxaa dheer shuruucdaan, waxaa sidoo kale jira tiro astaamo ah oo ku jira dabeecadaha dhaqanka (ganacsiga) Nederlaan:
Waxyaabaha aan rasmiga ahayn: xariirka asxaabtaada inta badan wa wax an rasmi ahayn oo nasashada waxaa la iskula qaataa si wadajir ah. Kalasareynta kama turjumeyso masuliyad sidaas u wayn, qof walbo waa loo ogolyahay in uu la wadaago taladiisa iyo fikirkiisa
Waxyaabaha tooska ah: Ree Nederlaan waa dad daacad ah hadana toosan, tusaale ahaan bixinta jawaab celin, inta badan sababo hufnaan awgood. Tani mararka qaarkood waxay u muuqan kartaa dareen la'aan, laakiin looguma talagelin inay noqoto
Jawaab celinta: Ree Nederlaan ayaa isticmaalo in ay bixiyan oo ayna helaan jawab celin. Shaqaaleysiiyaha iyo shaqaalaha sidoo kale waxay bixiyaan jawaab celin, tusaale ahaan inta lagu guda jiro qiimaynta waxqabadka. Kadib waxa aad ka wada hadli kartaan waxa fiican iyo waxa ka fiicnaan kara, taasna run baad ka sheegi kartaa
Tala wadaaga: Dadka ree Nederlaan waxay jecelyihin in ay wadagaan talooyinkooda ama hala waydiyo ama yaan la waydiin
Heshiisyada: Ree Nederlaan waxay u arkaan inay muhiim tahay inay heshiis la galaan midba midka kale
Dulqaad: dulqaad isku sameeya oo qofkiin qofka kale waqti ha siiyo
Ku celceli: hubi in aad ku celceliso luuqada Nederlaan inta ugu badan ee suuragalka ah. Mararka qaar way adkaan kartaa sababtoo ah dad badan oo ree Nederlaan ah ayaa waxay u badashaan luuqada Af-Ingiriis haddii ay ogaadaan in kuhadalkaada luuqada Nederlaan aysan awood sidaas ah lahayn wali. Si wanaagsan ayaa tani loogu tala galay, laakiin waxaad tilmaami kartaa inaad doorbidi lahayd inaad luuqadaada Nederlaan isticmaasho